Dhageyso:Wasiirkii hore ee Warfaafinta Galmudug oo ku dhintay Qaraxii Gaalkacyo

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxii Saaka ka dhacay inta u dhexeeysa Hoteelada Capital iyo Unlaaye ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Ugu yaraan 6 Ruux oo ay ka mid yihiin Xisaabiyihii Wasaarada Maaliyada Puntland ee Gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf”Gaadayare” ,Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maamulka Galmudug Xasan C/qaadir Xasan Ruush iyo Afar Ruux oo kale oo Labo ay yihiin Askar Ilaalo u ahaa Xisaabiyaha iyo Labao Canug oo Caseeye ah ayaa ku dhimatay

Qaraxii ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntalnd.

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug Ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa Xaqiijiyay dhimashada Lixda Ruux oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Caruur Caseeye ah.

Inkastoo Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland uusan Xaqiijin Qaraxa ka dhacay Gaalkacyo nuuca uu yahay ayaa Goobjoogeyaal waxaa ay Xaqiijiyeen in Qof isku soo xiray Walxaha Qarxa uu Salaamay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyada ee Gobolka Mudug Ee Puntland kadibna uu is Qarxiyay.

Dhanka kale Afhayeenka Shabaab u hadla Markii ay Meel weeraraan Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Mas’uuliyada Weerarkaasi ay leeyihiin Shabaab islamarkaana bartilmaameedku ahaa Saciid Cali Yuusuf oo ay sheegeen inuu la shaqeyn jiray Sirdoonka Itoobiya sida ay hadalka u dhigeen.

Al-shabaab ayaa Magaalada Gaalkacyo ka geysta Qaraxyo iyo Dilal Qoorsheysan.

Halkaan Ka Dhageyso 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.