Dhageyso:Taliyaasha Ciidamada Kenya oo wax laga weydiiyay Weerarkii Ceel-cadde

kenya

Shalay waxaa kasoo muuqday Barlamaanka Kenya taliyaasha ciidamada dalkaasi Kenya si wax looga weydiiyo dagaalkii ciidamada Kenya ku qabsaday saldhigoodi Ceel Cade.

Gudoomiyaha gudiga difaaca Kenya Ndung’u Gethenji (Tetu) ayaa sheegay in ay u baahan yihiin fasirad dheerad ah oo ku aadan wiixi ciidamada Kenya ku qabsaday Ceel Cade.

Waxa uu masuulkaasi markii uu hadalkaasi jeedinayay Barlamaanka taagnaa Taliyaha ciidamada Difaaca Kenya Samuel Mwathethe,madaxa sirdoonka Kenya Charles Mwai iyo mid ka howlgalka Kenya Somalia hogaaminaya.

Sarakiisha ayaa diiday in jawaab ay ka bixiyaan su’aalaha la weydiiyay waxana sharci dajiyaasha Kenya ugu baaqen in ay sabraan ayna sugaan xogta gudiga arimahaasi loo xilsaaray.

Barlamaanka Kenya ayaa walaac ka muujinaya tirado dhimasho iyo kuwa la waayay halka ay la egyihiin.

 

Halkaan Ka Dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.