Siyaasiga C/laahi Xaaji Xasan Bushkun oo Martiqaad Kismaayo Ugu Sameeyay Guurtida dhaqanka

Siyaasiga Caanka ah ee Reer Jubbaland C/laahi Xaaji Xasan Bushkun oo Dowladii Dhexe ee Soomaaliya Xilal kala duwan ka soo qabtay ayaa Kulan Quraac ah Magaalada Kismaayo Ugu Sameeyay Golaha Guurtida dhaqanka Jubbaland , kaas oo dulucdiisu ahayd Taageerada Heshiiskii dhawaan ka dhacay Magaalada Kismaayo ee u dhexeeyay Maamulka Jubbaland iyo Siyaasiyiinta Miisaanka Weyn ee Gobolka Gedo .

kulanka ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay C/laahi Xaaji Xasan “Bushkun” oo ahaa Shaqsigii soo Agaasimay asagoona Gubaabiyay hanaanka Shirkii dib U Heshiisineed iyo Guulihii laga gaaray Shirkii dib u Heshiisiinta ahaa ee dhawaan Kismaayo lagu soo Afmeeray .

”Aad ayaan Ugu Faraxsanahay in Isfahan laga gaaro dhiilooyinkii Siyaasadeed iyo Caqabadihii hortaagnaa Israaca Dowlada Goboleedka Jubbaland, waxaana u Mahadcelinayaa dadkii Khilaafka u dhexeeyay oo si iskood ah u gartay in Xal waaro laga gaaro dhibaatada taagan taas oo fure u ah Hormar iyo Nabad laga hirgaliyo Mandiqada Jubbaland” ayuu yiri C/laahi Xaaji Xasan ”Bushkun” .

Sidoo kale kulanka waxaa ka hadlay Afhayeenka Guud ee Golaha dhaqanka Jubbaland Ugaas Cumar Xiireey asagoo Amaan iyo bogaadin badan u soo jeediyay Madaxxweynaha Jubbaland iyo Siyaasiyiinta Reer Jubbaland oo uu kuwada tilmaamay kuwo u Tanaasulay danta Guud ee dadka iyo deegaanka .

Waxaa Asna Madasha Kalmado Qiimi badan ka jeediyay Imaam Rashiid Cabdi Guraa  oo kamid ah Golaha dhaqanka Jubbaland gaar ahaana kuwa reer Gedo asagoo ku nuux nuuxsday in ka dhaqan ahaan ay soo dhawaynayaan Heshiiskaas ayna si buuxdo u taageerayaan wuxuuna intaas ku daray in Heshiiiskaas uu ku soo aaday waqti loo baahnaa , iyo xili Munaasab ah oo Bulshada ku dhaqan Jubbaland ay u baahantahay Nabad iyo walaalnimo wuxuuna ugu baaqay Maamulka Jubbaland iyo dad weynaha Reer Jubbaland inay Gacmaha Isqabsadaan lana taageero Nabada iyo Midnimada guud ee Reer Jubbaland .
sad1

sae

sade2

sad

DSC_0867

2

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.