Warbixin: Obama Madadalay Mise Waa Adkeystay.

Madaxweyne Barack Obama 26 Jirkiisii Gabar Walaashii Ah Ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Jommo Kenyatta kaga Qaadday Gaari Nooca Volkswagen Beetle ah oo aad u Duugoobay, Aadna u Bur-Bursan Laakiin Markii uu Sanadkii 2015-kii Kenya Tegay Isagoo Madaxweyne Ah Cirka, Dhulka Iyo Badda Ayaa Loo XireyFadlan Walaal Akhri Qeybtii Koowaad Warbixin Arimahaas ka Hadleysa

Diyaaradda gaarka u ah madaxweynayaasha Maraykanka ee Air Force One Isaga oo saaran oo ay wehelinayaan daraasiin gacanyarayaashiisa ah, boqollaal warfidiyeen ah, qaar ka mid ah dadka ugu maalqabeensan dalka Maraykanka, baayac-mushtarka ugu awoodda badan Maraykanka iyo kumannaan nabad-sugid ah ayaa uu ka soo degey gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta Bishii July Sanadkii 2015-kii.

Muddada uu ku soo jiray hawada waxaa la xirey gebi ahaanba hawada sare ee dalka Kenya, waxaana diyaaraddiisa hareero, hore iyo gadaal socday kolonyo diyaaradaha milateriga Maraykanka ee qummaatiga u kaca ah, oo qaar kood ku socdaan joog aad u hooseeya oo ku siganaya in uu gaaro wax kasta oo dhulka dul soconaya.

Dhulka hoose ee ku dhow halka ay diyaaraddu istaagtay hoosteeda waxaa ka bilaabanayey roog cas oo uu cirifka diyaaradda u xiga taagan yahay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Auma Obama oo ah gabar ay walaalo isku aabaha ah yihiin Obama, balse aanay muddo aad u dheer kulmin.

Salaantii iyo nidaamka baratakool ee caadiga ah kadib Obama waxa uu garoonka diyaaradaha ka soo raacay gaariga aanay gantaaluhu karin ee madaxweynaha Maraykanka oo isaga hortii Kenya la keenay, gaarigan Limousine ka ah ee dadka qaar ku tilmaamaan mucjisada oo ku caan ah naanaystiisa Beast waxa dul haadayey diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ciidamada ammaanka madaxda Maraykanka, waxaana hareero socday gaadiid aanay xabaddu karin oo ay saaran yihiin xubnaha kale ee waftiga iyo ilaaladiisu. Waddada halbawlaha u ah caasimadda dalka bariga Afrika ugu dhaqaala ballaaran ee Kenya ayaa si rasmi ah looga xirey dadka iyo gaadiidka, intii ay dhaafaysay kolonyada gaadiidka madaxweynuhu saaran yahayna waxaa jidkan iyo jidadka kale ee halbawlaha ahba ilaalinayey ciidamo Maraykan ah oo si gaar ah u tababaran.

Laakiin 28 sano ka hor oo ninka sidan loo ilaalinayaa uu yimid isla magaaladan Nairobi xaalku sidan aad ayaa uu uga duwanaa.
Waxa uu ahaa wiil u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo abaabulkooda oo 26 sano jir ah, waxa uu u hamuum qabay bal in uu wax ka soo barto dalka aabihii ku dhashay una dhashay iyo in uu soo barto qoyskiisa Kenyaanka ah ee walaalihii, adeerradii iyo edooyinkii ku jiraan. Waxa uu ka soo duulay dalka Maraykanka waxa aanu qorshuhu ahaa in ay gegida diyaaradaha ku soo dhoweyso walaashiisa aabihii dhalay ee Auma Obama si ay ugu geyso qoyska, laakiin nasiib darro si aad ah ayaa ay uga soo dib dhacday waqtigii uu yimid gegida diyaaradaha ee Joma Kenyatta muddo ayaanu ku dhex sugayey iyada oo xitaa shaqaalihii kaga rawaxeen.

Dhibtu intaas in ay ku koobnaato ayaa ay ku fiicnaan lahayd, laakiin ma’ay noqon, Shandadihii uu sitay ee uu kala yimid Mareykanka waxaa tuurtay shirkadda diyaaradaha ee British Airways oo uu soo raacay. Haddii maanta aan la ogolayn in ay Obama u soo dhowaato cid aan ahayn ilaaladiisa, walaashii iyo madaxweynaha Kenya, oo xitaa xayndaabka garoonka killo mitirro dadka laga sii fogeeyey,

maalintaas isaga oo dhex meehannaabaya gegida diyaaradaha ayaa nin reer Kenya ahi uu xabbad sigaar ah ka shaxaaday, ka hor intii aanu weydiin halka uu ka yimid. Kaba sii daran ee ninkan reer Kenya markii uu ogaaday in wiilkan madowga ahi Maraykan ka yimid waxa uu weydiiyey bal in uu yaqaanno wiil ay ilma’ adeer yihiin oo uu sheegay in uu deggen yahay magaalada Texas.

Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii koowaad ee warbixintan ka hadleysa Madaxweyne Obama waa inoo qeybta labaad oo aad u xiiso badan Insha alah.

W/Q: Abdulahi Nur Colombo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.