Dhageyso: Galmudug oo qabatay Ajaanib Shabaab ka tirsan

Saraakiisha Ciidamada Galmudug Ee Dagaalka la galay Shabaab ayaa sheegay in ay maanta qabteen Rag ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan Ajaanib ka barbar dagaalameysay Shabaab.

Raggaan ay gacanta  ku dhigeen Ciidamada Galmudug ayaa laga soo qabtay Meel  u dhaw Degaanka Afbarwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug,xilli ay Dhuumasho ku jireen.

Saraakiisha Galmudug ayaa intaa ku daray in Shabaabka la qabtay ay gaarayan 10 Dagaalame islamarkaana Labo ka mid ah ay yihiin Ajaanib ka barbar dagaalamayay Shabaab.

Saraakiisha  u hadlay  Ciidanka Galmudug ayaa Tilmaamay in Labada Ajaanibta ah mid ka mid uu u dhashay dalka Kenya,kan kalena ay baaris ku wadaan halka uu ka soo jeedo.

Galmudug ayaa horay u sheegtay  in Shabaabkii kula dagaalamay degaanada dhaca Bariga Gobolka Mudug la soo Afjaray,balse ay dhici karto in Tiro Labo ilaa Saddex ah ay Dhulka Miyiga ah ku dhuumanayaan.

Waxaa Goordhow uu Garay Madxweynaha Maamulak Gal- mudug degaan Bud bud oo ka Mid Gobihii Al- shabab iyo Ciidamaad maamulka Gal- mudug Ay Ku Dagalameen Waxan Lagu Wadaa inuu Caaw Baryo

Halkaan Ka Dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.