“Warbixin” Dhageyso:Dawlada Jordan oo sheegtay in ciidamo Al-Shabab la dagaalama ay Soomaaliya ka joogaan

Wargeys la yiraahdo Middle East Eye ayaa qoray in boqorka wadanka Jordan boqor C/lla Bin Xuseyn inuu ka hor sheegay mar uu la hadlay xubnaha golaha kongareyska dalka Maraykanka in ciidamo gaar ah oo dalkiisa ka socda inay joogaan gudaha Soomaaliya ayagoo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Al-Shabab.

Boqor C/lla Bin Xuseen waxaa uu sheegay in ciidamo dalkiisa ka socda oo si gaar ah u tababaran ay Soomaaliya joogaan ayagoo la shaqeeya ciidamo gaar ah oo dawlada Ingiriiska Soomaaliya ka jooga sida uu yiri waxaana uu intaa ku daray in ujeedka ciidamadiisa Soomaaliya u joogaan ay tahay inay la dagaalamaan Xarakadda Al-Shabab oo uu sheegay inay dhibaato ku yihiin amaanka iyo hormarka Soomaalida.

“Ciidamadeena sida gaarka ah u tababaran oo ay la socdaan ciidamada SAS ee Ingiriiska Soomaaliyay ayay shaqo ka hayaan waxaana ay raadsanayaan Al-Shabab sababtoo waxba ma dhaamaan Daacish iyo Al-Qacida” ayaa lagu yiri warkaan lagu qoray wargeyska Middle East Eye ee laga soo xigtay boqorka dalka Jordan.

Ujeedka ay dawladiisa ula dagaalayso Al-Shabab boqor C/llaha Jordan waxaa uu ku sheegay inay amaanka wadankiisa uga cabsi qabo maadaama ay xiriir la leeyihiin Al-Qacida iyo ururo kale oo bariga dhexe ka jira.

Inay horey u taageereen dawlada Kenya ayagoo Ingiriiska la shaqaynaya ayuu sheegay waxaana uu xusay inay Soomaaliya ka howlgalaan.

Boqor C/lle waxaa uu ku eedeeyay dawladaha beesha caalamka inay iska indho tirayaan halista geeska Africa kasoo socota haddii ay Daacish timaado Soomaaliya sida uu yiri.

Sidoo kale beesha caalamka waxaa uu ku eedeeyay inay yar tahay taageeradda ay siiyaan ciidanka Soomaaliyeed oo uu sheegay in marka la tababaro aysan helin agab dhameystiran oo ay Al-Shabab kula dagaalamaan.

“Markii ay Al-Shabab weerareen jaamacadda Gaarisa waad u jeedeen in M/weynaha Kenya uu ilmeeyay asagoo ka naxsan boqolaalka ruux ee la dilay haddana sidaasoo ay tahay cid ka jawaabtay ma jirto oo waa laga indha saabtay” ayuu yiri C/lla Bin Xuseyn mar uu la hadlayay xubno ka tirsan Koongareyska Maraykanka.

Inkastoo uu boqorku shaacin tirada ciidamada Soomaaliya ka jooga haddana waxaa uu sheegay in ciidamadaas uu hogaamiyo sargaal la yiraahdo  Mannar Dabaas oo loo magacaabay madaxa ciidamada Jordan ee bariga Africa.

Sargaalkaas la magacaabay oo uu la hadlay wargeyska aanu warkaan ka xiganayno ee Middle East Eye ayaa diiday inuu arrimahaan ka hadlo.

Boqorka Jordan waxaa uu sheegay in 18 bilood ka hor shirkii Caqaba lagu go’amiyay in dekedaha qaar ee dalkiisa ay adeegsadaan ciidamada la dagaalamaya ururada Daacish iyo Al-Shabab.

Shirkii Caqaba ayuu sheegay in M/weynaha Soomaaliya Xasan Sh, uu ka sheegay dhibaatada ay Al-Shabab ku qabaan sidaas darteed ay iyagu go’aansadeen inay caawiyaan dawlada Soomaaliya.

Inay dawlada Soomaaliya u tababari doonaan ciidamo gaar ah isla markaana ay u qalabeyn doonaan ayuu sidoo kale balan qaaday boqorka Jordan.

Boqor C/lla Bin Xuseen maalin ka hor mar uu arrimaha Soomaaliya ka hadlayay waxaa uu sheegay in Xarakadda Al-Shabab ay taageero ka hesho dawlado Turkigu ka mid yahay inkastoo Turkidu willi ka hadlin arrintaas.

Dawlada Jordan waa markii ugu horeysay ee ay sheegato in ciidamo Soomaaliya ka joogaan.

Xigasho Wargeyska Middle East Eye….

Halkaan Ka Dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.