Dhageyso: Madaxweynaha Galmudug oo Gaaray Afbarwaaqo

Madaxweynaha  Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa  gaaray  iyo Wafdi iskugu jira Labada Gole ee Dowladda Galmudug ayaa Goor dhaw gaaray Degaanka Afbarwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa halkaa waxaa ku soo  dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degaankaasi,waxaana Madaxweynaha uu la hadlay Dadkii halkaa ku soo dhaweeyay.

C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug ayaa Dadka Afbarwaaqo uga mahad celiyay garab istaaga ay Ciidamada Galmudug ku gacan siiyeen dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale  booqan doona Furimaha ay Ciidamada Galmudug kula Dagaalameen Al-shabaab iyo Degaanka Budbud ee Maamulka Galmudug.

Waxaa Goobaha uu Madaxweyanah Boqanayo Ka Barkacay Boqalal Ruux oo Shacab Kuwas oo Doorbiday inay Garaan Degaano Kale oo Aysan Colaad Ka Jirin .

Safarka Madaxweynaha Ayaa Noqon doono Mid Dadka Lagu  Bogaadiyo Sidoo  Kalan uu Kula Dar Darmidoono Inay la Dagalamaan Al- shabab .

Halkaan Ka Dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.