Dhageyso:Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya ay Xiratay Wabiga Shabelle

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ay hayaan Xog ah in la leexiyay Wabiga shabelle ee nooga yimaada Dhinaca Itoobiya islamarkaana taas ay keentay in wabigu uu biyo yareeyo.

Wasiir Maareeye ayaa Xusay in Dowladda federaalka ay wado Dadaalo dowladda Itoobiya ay kala hadleyso Xiritaanka Wabiga Shabelle,waxaana uu xusay in Dowladda Soomaaliya ay Itoobiya kala hadleyso sidii loo wada Isticmaali lahaa Biyaha Wabiga  Wabiga shabelle.

Wabiga Shabelle oo mara gobolo badan oo Soomaaliya ah ayaa Biyo yareeyay Bilihii ugu dambeeyay,iyadoo hadda Meelaha qaar uu Wabigu  biyo aan sidaa u badneyn keenay.

Halkaan  Ka Dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.