Daawo sawirada:Shirka dhallinyarada Soomaalida oo ka furmay Kismaayo

Magaalada Kismaayo waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shirka dhallinyarada Soomaalida oo looga hadlaayo arrimo badan.

Magaalada waxaa maalmahan ku soo qulqulayey dhallinyaro ka kala yimid goballada dalka iyo kuwa ka yimid waddamada kale ee caalamka, waxaana ay ka qeybgalayaan

Dhallinyarada immaatay Kismaayo oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa ka kala yimid 18-ka gobal ee dalka Soomaaliya, sidda uu sheegay xoghayaha ururka dhallinyarada Jubbaland Maxamed Cawaale kana mid ka mid ah madaxda dhallinyarada Jubbaland ee shirkan soo qaban qaabiyay..

Dhallinyaradan ayaa leh shirweyne qaran, waxaana ay uga hadlayaan siyaasadda dalka iyo sidda dhallinyarada door ugu yeelan karaan geedi-socodka dalka.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Jubbaland Cabdiwahaab Bilaan iyo guddoomiyaha ururka dhallinyarada Jubbada Hoose Axmed Maxamed Takhal ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhallinyarada timid Kismaayo, waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin wafdiga u yimid.

Shirka heerka qaran ee dhallinyarada Soomaalida uga socda Kismaayo waxaa ka qeybgalay madax ka tirsan dowladda Jubbaland.

33 11 22

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.