Daawo Sawirada: Odayaasha Beesha Sade iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kismaayo ku kulmay.

Magaalada Kismaayo waxaa ku kulmay Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka beesha Sade, iyo madaxweyna Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyagoo kawada hadlay fulinta heshiiskii Dhawaan kismaayo ka dhacay.

Qaar kamid odayaashani oo Gedo Times la hadlay kadib kulankii shalay ayaa waxa ay ka warbixiyeen waxyaabaha ay kawada hadleen iyaga iyo Hogaamiye Axmed Madoobe.

Nabadoon Haameey oo kamid ah odayaashii dhaqanka ee kulankani goobjooga ka ahaa ayaa Gedo Times u sheegay in kulanka uu kusoo idlaaday is afgarad iyo ismarxabeyn sida uu yiri.

Kulankani ayaa qeyb ka ah kulamo maalmihii lasoo dhaafay uu Axmed Madoobe lalahaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha sade ee ku sugan Magaalada Kismaayo.

kulan

kulan1

kulan2

kulan3

kulan4

kulan5

kulan6

kulan8

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.