Degdeg: Allaha U Naxariistee Marxuum Sade Mahad Dirir oo goordhaw lagu aasaayo Qabuuraha Taree Disho ee Magaalada Muqdisho.

sade mahad

Waxaa Saaka Qaburuaha Taree Disho ee Magaalada Muqdisho lagu aasayaa allaha u anxariiste Marxuum Sade Mahad Dirir oo dabley ku hubeysan Bistoolado ay ku dileen Xaafad ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

Marxuum oo aysan jirin cid loosoo qabtay dilkiisa, ayaa xalay ahaa meyd bari,iyadoo goordhaw lafilaayo in lagu aaso qaburuaha taree disho ee Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Ehelada Marxuumka ayaa Gedo Times u sheegay in dilka Mudane Sade aysan jirin cid ay aaminsanyihiin in ay si rasmi ah uga dambeeyaan balse waxa ay sheegeen in ay jiraan tuhmooyin ay qabaan iyo hanjabaado loo jeediyey marxuumka dilkiisa ka hor.

Ma cadda ilaa iyo hada cid si rasmi ah u fulisay Dilka Marxuum Sade Mahad Dirir , waxaana la filayaa aaskiisa in ay ka qeybgalaan Masuuliyiin dowladeed oo ay isku hayb yihiin iyo qaar kamid ah shacabka ku nool muqdisho.

Gedo Times ayaa isku taxluujineysa in ay muuqaalo iyo Masawirro ka soo duubto aaska marxuumka iyo madasha lagu dilay oo ah kasoo horjeedka Hotel Guuleed oo caan ka ahaa Muqdisho Bari samaadkii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.