Degdeg; Baarlamaanka Jubaland oo Markale Muddo kororsi u sameeyey Madaxweynaha Jubaland.

Xildhibaannada baarlamaanka dowladda Jubbaland ayaa kulan degdeg ah imminka ku leh xarunta Ceymiska ee magaalada Kismaayo.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay 53-xildhibaan, waxaana ay uga hadlayaan in madaxweyne Axmed Madoobe muddo korarsi loogu sameeyo xilliga looga baahan yahay in uu soo dhiso gollaha wasiiradda xukuumadda Jubbaland.

Fadhigga hadda waa uu socdaa, saxaafaddana banaanka ay ku sugan tahay.

Waa markii seddaxaad oo baarlamaanka Jubbaland ay muddo korarsi u sameeyaan madaxweynaha dowladda Jubbaland si u soo dhiso gollaha wasiiradda Jubbaland.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.