Daawo: Wariye Ka tirsan VOA oo Muuqaal Wanaagsan kasoo tabiyay Magalaada Kismaayo.

Wariye VOA uga soo warama Jubaland ayaa ku soo warramaya in magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose uu haatan ka jiro mashquul xagga waddooyinka ah kaddib markii magaalada la keenay baabuur fara badan.

Wariye Khadar oo muuqaal gaaban ka soo qaaday mashquulka waddooyinka ayaa yiri “Bilihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Kismaayo ku soo badanayay gaadidka noocyadiisa kala duwan kuwaasoo dadweynaha ay ku tilmaameen in magaalada ay horrumar sameeneyso”

Wariyaha oo ka mid ah dadka mashquulka gaadidka dareemay ayaa yiri “Waxaan muddo 15-daqiiqo ku jiray mashquul xagga waddada ah gaar laga soo billaabo Waddada Somali Star ilaa darisoonka leegada ee magaalada Kismaayo”

Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay in waddooyinka Kismaayo marka aad mareyso ay baabuurta is garab socdaan halka kuwa kale ay yaalaan goobo isku dhow sidda ka muuqda sawirka aan halkan soo galinay.

Ammaanka magaalada ayaa aad u wanaagsan, waxaana magaalada dib ugu soo laabtay dad badan oo qaar ka yimid waddamada dibadda.

Magaalada Kismaayo waxaa kaloo laga dhisay dhismooyin casri ah iyadoo laga furay goobo ganacsi oo aad u waaweyn oo laga dhex heli karo wax yaabo fara badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.