XOG: Beesha Sade oo isku raacday in Janaraal Fartaag uu Noqdo Markale Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland.

Besha Sade oo xilli sanadeedkan saami ahaan u heshay Madaxweyne Kuxigewenka Jubaland kadib dagaalo badan oo ay u galeen in ay noqdaan Madaxweyne oo guuldareystay, ayey hadda isku raaceen shakhsiga Booskaas u qabanaayo beesha Xilli sanadeedkani.

Beesha oo kulan kismaayo isugu timid Maalinimadii Khamiista aheyd, ayaa si isku mid ah isugu raacday in Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland shakhsiga noqonaya uusan galin wax loolan ah, ka beel ahaane ay wada qabaan go’aanka ah in Janaraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil fartaag in uu ahaado madaxweyne Kuxigeenka Jubaland.

Jagadani oo loolan badan ay ugu jireen Siyaasiyiin ay kamid yihiin Maxamuud Sayid aadan iyo Cabdirashiid indhakoreey, ayaa hadda siyaasiyiintaasi hamigooda wuxuu u muuqdaa mid ceel ku dhacay, kadib go’aaminta beesha ee ah in Fartaag uu xilli sanadeedkiisa la dhameysto Axmed Madoobe.

Qaar kamid ah ka qeybgalayaashii kulamadan ayaa Gedo Times u xaqiijiyey in Jagadaasi aan lagula loolami doonin fartaag oo dib un lagu wado in loo magacaabo Maalmaha soo aadan.

Siyaasiyiinta kale ee Beesha ayaa intooda badan kasoo dhex muuqan doona xubnaha Golaha Fulinta ee Maamulka, halka qaarkoodne ay kamid noqon doonaan Xubanaha cusub ee Baarlamaanka lagu kordhinaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.