TOP News: Dibad bax lagu taageeraayo Degmanimada Buurdhuubo oo markale Maanta ka dhacay Gudaha Degmadaasi.

Degmada Buurdhuubo ee  Gobolka Gedo ayaa Maanta markale waxaa ka dhacay dibad baxyo balaaran oo lagu taageeraayo Degmanimada Loo aqoonsaday in ay tahay Degmadaasi.

Dibad baxa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyinta ugu sareysa Maamulka Degmada Buurdhuubo, oo uu horkacaayo Gudoomiyaha Degmadaasi Cabdulaahi Yare iyo Kuxigeenkiisa Xuseen Gowracane.

Sidoo kale qeybaha Bulshada ayaa dhinacooda ka qeybgalay Dibad baxani iyagoo carabka ku adkeeyey sida ay ugu faraxsanyihiin degma ahaanshiyaha Degmadaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ee Degmadaasi oo la hadlay Gedo Times ayaa ka waramay sida ay u arkaan aqoonsiga buuxa ee ay Buurdhuubo heshay.

Goordhaw waxaan idiin soo gudbin doonaa qaar kamid dadka degmadaasi oo ra’yigooda ka dhiibanaya aqoonsiga ay heshay Degmadooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.