Kenya oo QM ka dalbatay hub ay kula dagaalanto Al-shabaab

kenya

Haweeneyda wasiirka gaashaandhiga ka ah dalka Kenya ee Raychelle Omamo ayaa sheegtay in ciidamadooda jooga Soomaaliya ay u baahan yihiin saanad ciidan si ay u xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Xarakadda Al-Shabab.
Raychelle Omamo waxay sheegtay in Q,M ay uga baahan yihiin taageero dhaqaale iyo dhan walba si ay hub ugu iibsadaan oo ay Al-Shabab u jabiyaan sida ay tiri.
Wadamada taageera ciidamada AMISOM ayay ugu baaqday inay ku caawiyaan taageero ciidan oo ay sheegtay inay u baahan yihiin ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda.
“Ciidamadeena qeybta ka ah howlgalka AMISOM waxay u baahanyihiin taageero dhawr nooc ah si ay nabada uga qeyb qaataan ugana adkaadaan argagixisada Al-Shabab” ayay tiri Raychelle Omamo oo ah wasiirka gaashaandhiga Kenya.
Kenya waxaa la aaminsanyahay inay Soomaaliya ka joogaan qiyaastii 4,000 oo askari oo ka hawlgala gobolada koofureed ee Soomaaliya ayagoo dalka jooga ayay ka mid noqdeen howlgalka AMISOM ee midawga Africa.
Golaha amaanka ee Q,M ayaa shalay uun waqtiga u kordhiyay howlgalka AMISOM iyo xafiiska Q,M ee Soomaaliya.
Askarta AMISOM ayaa si guud u wajahaya dhaqaalo yari kadib markii wadamada midaga Yurub ay hakiyeen dhaqaalihii badnaa ee ay ku bixin jireen hawlgalka AMISOM sida lagu qoray wargayska The Star ee Kenya kasoo baxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.