Dhageyso:Dibad bax looga soo horjeeday kooxda monitoring group oo ka dhacay daljirka Dahsoon

Dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday warbixinada ay ku weeraraan Madaxda iyo Ganacsada Dalka Guddiga la socodka Cunuqabateyn hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea, isla markaana lagu taageerayay qorsheyaasha horumarineed ee ay ku talaabsatay dowladda ayaa maanta ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, waxaana ka qeyb qaadanayay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee gobolka.

Dadka isu soo baxa ka qeyb galay oo u badnaa haween iyo waxgarad ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan warbixinnada been abuurka ah ee ay soo saaraan Monitoring group, waxaana halku dhigyadaas ka mid ahaa “jooji dib u celinta Ummadda Soomaaliyeed” iyo suugaan ka turjumeyso in shacabka ay garabtaaganyihiin dowladooda.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galayay dibad baxa oo dareenkooda cabiraya ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan warbixinada ay soo diyaariyaan guddiga dabagalka cunuqabateynta hubka ee saran Soomaaliya iyo Eritrea.

Qaar ka mid ah waxgaradkii ka qeyb galay isu soo baxa oo halkaasi ka hadlay ayaa isku raacay in warbixinada ka soo baxa guddigaas ay u arkaan kuwo loogu gafo sida ay sheegeen madaxda dalka iyo dadka magaca ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed.

Marar Badan Ayaa Koxda Monitirin Waxa aay Soo Sartay Ducumentiyo ay ku Edeyneysi Dowlada Somaliya iyo Dad Magac ku leh Busha Somaliyeed

Hadalka ayaa Wax uu Imanayaa Xili Somaliya ay Sran Tahay Cuno qabateyn Dhinac Hubka ah

Halkaan Ka Dhageyso :

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.