Boqor Cabdalla”Turkiga Al-shabab ayuu Taageeraa”

Sida lagu qoray wakaaladda wararka u faafisa dalka Jordan boqorka wadankaas ee la yiraahdo Boqor C/llaahi ayaa ku eedeeyay xukuumadda ka jirta inay taageerto ururo uu ku sheegay inay argagixiso baneysta dhiiga dadka maatada ah oo ka jira dhawr waadan oo dunnida ah.

Boqorka Jordan ururada uu sheegay inay taageeradda ka helaan dawlada Turkiga waxaa ka mid ah Daacish, Al-Qacida  ururo ka jira Libya iyo Xarakadda Al-Shabab oo ka aas aasan Soomaaliya sida uu yiri.

Boqor C/llaahiga xukumada dalka Jordan waxaa uu hadalkiisaan lagu qoray wakaaladda wararka AINA waxaa uu ku tilmaamay dawlada Turkiga abaabiyaha ururada aragixisada sida uu yiri.

Inaysan dawlada Turkigu taageerin ururada ka jira gobolka B/dhexe oo kaliya ayuu sheegay boqorku hase ahaatee ururo kale oo ay Al-Shabab ka mid ka yahay ayuu sheegay inay dhaqaalo iyo taageero kale siiyaan.

“Turkigu asagoo xataa tababar siinaya ciidamada dawlada Soomaaliya ayuu xataana taageeeraa Al-Shabab oo ah urur dhibaato geysta oo argagixisa ah” ayaa laga soo xigtay boqorka Jordan.

Dawlada Turkiga oo aan willi warkaan ka jawaabin waxaa ay ka mid tahay wadamada sida weyn u taageera Soomaaliya oo ay usoo gurmadeen markii abaartu ka dilaacday sanadkii 2011.kii

Xarakadda Al-Shabab dhawr mar ayay u goodiyeen Turkiga waana ay weerareen dhismooyin shaqaalahoodu degen yihiin oo Muqdisho ku yaala dhawaana Al-Shabab waxay meelaha ay Soomaaliya ka maamulaan gaar ahaan G/Sh/hoose ka mamnuuceen in loo beec geeyo waxyaabaha Turkiga lagu sameeyo ama laga keeno.

Si guudna dalka Turkiga waxaa uu ka mid yahay wadamada la kulmaya weerarada ururada hubeysan oo dhawr jeer ayay qaraxyo waxyeelo badan geystay ka dhaceen magaalooyin dalkaasi ku yaala.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.