Dhageyso: Xasan Xanafi Xaaji oo mar kale Dil Toogasho ah lagu Xukumay

Iyadoo Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay 3-dii Bishaan Dil Toogasho ah ku xukun tahay Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsan Shabaab islamarkaana loo haysto Dilalka wariyaal badan oo Soomaaliyeed ayaa waxaa uu Xanafi Racfaan ka qaatay Xukunkaasi,waxaana uu Racfaan u qaatay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sidaa ayaa Saaka Shaacisay Go’aanka  Xanafi oo horay Xukun Dil ah ay ugu Xukuntay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida,iyadoo Maxkamadda sare  ay raacday wadadii Maxkamadda Darajada Koowaad,waxaana ay Xanafi ku xukuntay mar kale Dil Toogasho ah.

Maxkamadda sare ayaa Khamiistii la soo dhaafay dhageysatay Dacwada Xanafi iyo Codadka marqaatiyaal,waxaana ay Saaka Soo saartay Go’aankii ay gartay,iyadoo Xanafi mar kale Dil Toogasho ah lagu Xukumay.

Halkaan Ka Dhagey

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.