Dhageyso: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay mar kale Dagaalka Shabaab

gaas

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu sheegey ciidankii ku shahiiday dagaalkii Al-Shabaab ee dhawaan ka dhacay dhul xeebeedka Nugaal iyo Mudug ay u dhinteen sidii  shacabkooda nabad ugu noolaan lahaa.

Gaas ayaa ku sifeeyay  inay ahaayeen  ciidamadaasi naftood hurayaal ah, isla markaana diintooda iyo dalkooda daafacayeen.

Shacabka Puntland dal iyo dibad ayaa waxaa ugu baaqay inay ciidankooda garab siiyaan goor waliba, madama ay ciidanku dantooda iyo sharafkooda u dhimanayan, isagoona bogaadiyay dadka bar bar dagaalamay ciidanka xiligii dagaalka uu socday.

Dagaalka Shabaab ayaa waxaa uu Madaxweyne Gaas tilmaamay inuusan wali dhamaan kooxahaan nabad diidkaana aysan doonay.

Halkaan Ka, Dhageyso 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.