Madaxweynaha Puntland oo gaaray Degmada Jariiban Ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa Goor dhaw gaaray Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa Kulan la leh Maamulka Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug,waxaana la filayaa in Madaxweynaha uu tago degaanka Garacad ee Gobolka Mudug oo ah Halkii Al-shabaabkii yimid mudug ay ka soo tageen.

Puntland ayaa sheegtay  in Dagaalka Garacad ay ku qabatay Maxaabiis ku dhaw Lixdan Ruux,iyadoo sidoo kale sheegtay in 100 Dagaalame oo Shabaab ah ay dagaalkaasi ku Dishay islamarkaana ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan.

Maaamulka Putland Ayaa Maalmihii La Soo Dhaafay Wax uu Degaano Ka tirsan Maamulkisa ku La Dagaalamayya Ciidamo Ka Tirsan Al- shabab  Kuwaas oo si Dhumaaleysi ah Ku Tagay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.