Galmudug oo Ciidamo u dirtay degaano ka tirsan oo ay Shabab soo galeen

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Maamulka Galmudug uu Ciidamo u diray Degaano ay ka mid yihiin  Jaray iyo Qalqalooc oo hoosyimaada Magaalada Af-barwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug.

Degaanadaas oo ka tirsan Galmudug ayaa waxaa soo galay Rag ka tirsan Shabaab,kuwaas oo Puntland kula Tagaalamay Agga Degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Ciidamada oo ka baxay Gaalkacyo ayaa la sheegay in Sababta loo diray ay tahay in ay ka hortagaan Al-shababka soo galay halkaasi ee Puntland kula dagaalamay qeybo ka mid ah Mudug.

Puntland ayaa shalay sheegtay in Al-shabaabkii ay kula dagaalantay Garacad ay u Firxadeen Dhanka Galmudug,Galmudugna wali kama hadlin ,inkastoo ay Ciidamo u dirtay halkaa.

Madxaweyanah Maamulak Gal- mudug ayaa Horey Oga Digay In Deganaada uu Ka Arimeeyo Ay Dib Ugu Soo Labataan Al- shabab Isagoo Sheegay in Marin Kolkii Hore ay u Ahyd .

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.