Dhageyso: Kulan Dhexmaray Odayaasha Reer Hiiraan iyo R/wasaare Sharmaake oo Fashilmay

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada oo ku sugan Magaalada Baledweyne ayaa maanta Kulan la yeeshay qaar ka md ah Odayaasha Reer Hiiraan si looga dhaadhcyo ka qeyb galka Shrka Magaalada Jowhar.

Odayaasha ayaa Ra’iisul  Wasaaraha hor dhigay Sharuud ah in Gobolka Hiiraan laga dhigo Labo Gobol,markaas ka dibna ay ka qeyb galayaan Shirka Magaalada Jowhar.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha iyo Odayaasha ayaa la soo Warinayaa in lagu kala booday.

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay ku Hoyday Baledweyne  ayaa sidoo kale Kulamo la qaaday beelo wax ka daga Gobolka,kuwaas oo iyagu aqbalay ka qeyb galka Shirka Jowhar.

Horey Baladweyne Waxa ugu Suganaa Wasiirak Arimaha Gudaha Dowlada Somaliya C/raxaam Maxamed Odawaa oo Ay u Diideen Inay La Kulmaan Odawaa Iyagoo Sheegay in Tabshadooda uusan Dhameystir Karin Xalkeeda Wasiirka Horeyna Ay ugu Edeyeen Inuu Cadaalad Daro Ku Sameyay Belaha Dago G, Hiraan.

Halkaan Ka Dhageyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.