XOG: Maxaa kasoo baxay Kulankii Sade iyo Sarinleey ee Dhoobleey ka Dhacay.

Kulan xalay ka dhacay deegaanka dhoobleey ee Gobolka Jubada hoose ayaa beesha absame waxay kaga hadashay qodobo dhowr ah.

Kula ka ayaa diirada lagu saarayay sideey kuraas horleh beesha absame uga heli laheyd degmada baardheere ee gobolka Gedo.

“kulanka waxaa looga hadlay sidii beesha absame ay baardheere saamigeeda uga heli laheyd, wuxuuna madaxweyne Axmed madoobe balan qaaday in kuraas degmadaasi uu ka siin doono beesha absame oo degmadaasi iska leh” sidaas waxaa Gedo Times u sheegay ka qeybgale kulankaasi dhoobleey ka dhacay goobjoog ka ahaa.

Dhinaca kale Heshiiskii Kismaayo ka dhacay ayaa lagu soo hadal qaaday kulanka iyadoo axmed madoobe uu sheegay in heshiiskaas uusan waxba u dhimeyn saamiga beeshiisa ay kuleedahay jubaland.

Geesta kalane waxaa Kulankani oo uu ka qeybgalay axmed madoobe uu ku sheegay in dhoobleey ay noqon doonto fariisinka ugu weyn ee ciidamadiisa tababarada ay ku qaadaan doonaan, xilli halkaasi ay deegaan u yihiin beeshiisa oo kaliya taasi oo ka dhigan in ciidamada halkaasi lagu tababari doono ay isaga ku heyb noqon doonaan.

Sikastaba kulanka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo balanqaadyo horleh oo uu axmed madoobe u sameeyey beesha uu kasoo jeedo ee Absame.

12721805_882188838547021_633315762_n

12884488_882359145196657_1734868622_n

12884616_882188858547019_760974535_n

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.