XOG: Natiijada Heshiiskii Dhawaan Kismaayo ka dhacay oo lagu wado in galinka Dambe ee Maanta lagu shaaciyo Magaalada kismaayo.

Galinka Dambe ee maanta ayaa qorshuhu yahay in kulanka lagu shaacinaayo Natiijada Heshiiskii dhawaan Kismaayo ka dhacay uu ka dhaco Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo.

Saaka ayey aheyd in munaasabdaasi ay furanto, waxaase dib u dhigay Xubnihii beesha Caalamka oo safarkooda uu dib u dhac ku yimid iyo Hogaamiyaha Jubaland  oo kulan degdeg ah oo amaanka looga hadlaayo ugu ambabaxay Degaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubada Hoose.

Isla maanta ayaa lagu wadaa in Axmed Madoobe uu kismaayo dib ugu laabto, halka Xubnaha Beesha Caalamkane lasoo warinaayo in ay kusoo wajahanyihiin Magaalada Kismaayo.

Kismaayo waxaa xalay ku hoyday xubno ka socda Urur Goboleedka IGAD iyo Danjirayaal ka tirsan Dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya.

wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.