Degdeg: Axmed Madoobe oo u ambabaxay Dhoobleey, kagana qeybgalaayo halkaasi kulan looga hadlaayo Amaanka.

madoobe

Hogaamiyaha Jubaland Axmed Maxamed islaam Madoobe ayaa saaka u ambabaxay Deegaanka DHoobleey ee Gobolka Jubada Hoose halkaas o ouu kaga qeybgalaayo kulan looga hadlaayo Amniga.

Kulanka Dhoobleey ka dhacaya ayaa u dhaxeeya Saraakiil katirsan maamulka Jubaland iyo Saraakiil Kenyan ah o oqaabilsan Amniga Xuduuda kenya iyo Soomaaliya.

kulanka ayaa inta uu socdo diirada lagu saari doonaa iskaashi dhinaca amaanka ah oo dhexmara Maamulka Jubaland iyo Dowladda Kenya.

Galinka Dambe ee Maanta ayaa lagu wadaa in uu Kismaayo dib ugu soo laabto, si uu halkaasi goobjoog uga noqdo kulan lagu shaacin doono heshiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo ee u dhaxeeyey Isaga iyo Siyaasiyiinta Beesha Sade ee Maamulkiisa Mucaaradsanaa.

wixii kusoo kordha kala oco wararkeena Dambe Insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.