Dhageyso:Maxkamadda Sare Ee Ciidamada oo Xukuntay Raggii Dilay Wariye Hindiyo Xaaji

xukun.gedotimes.com

Iyadoo 25-kii Bishii  hore ee Febaury Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ay Xukuntay Eedeeysaneyaal loo haystay Dilkii Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Warbaahinta Dowladda ayaa Eedeysaneyaashaasi waxaa ay Racfaan ka qaateen Xukunka ay ku riday Maxkamadda Darajada Koowaad,waxaana ay Racfaankooda u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa horay Dil Toogasho ah ugu Xukuntay C/risaaq Maxamed Barow oo ahaa Shaqsigii Gaariga Marxuumad Hidiyo ku dhajiyay Qaraxii lagu dilay,iyadoo Ragga kale ee Shabaabka ka tirsanaa ay ku riday Xukuno isugu jira Xabsi Daa’im iyo Xabsi Dhowr sano ah.

Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida oo Racfaan ay ka qaateen Xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad Eedeysaneyaasha la geeyay ayaa maanta Riday Xukuno kale

1- C/risaaq Maxamed Barow oo 28 jir ah islamarkaana ahaa Shaqsigii Gaariga Marxuumad Hindiyo ku xiray Qaraxa iyo  Xasan Nuur Cali Faarax  oo 37  islamarkaana gacan ka geystay Dilka Marxuumadda ayaa Maxkamadda sare waxaa ay Labadooda ku xukuntay Dil Toogasho ah.

Sidoo kale Maxkamadda Sare ayaa Xukuntay  Macalin Maxamed Abuukar iyo Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere,waxaana ay ku Xukuntay Xabsi Daa’im.

Dhanka kale Eedeeysane Cali Xasan Aadan oo kamid ahaa Eedeysaneyaashii Maxkamadda Darajada Koowaad ay Xukuntay Racfaankana ka qaatay Xukunkii hore ayaa lagu Xukumay 15 Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Halka  Muxuyadiin Cismaan  Maxamed Cawaale  ay Maxkamadda Sare  ku Xukuntay 10  sano oo Xabis Ciisdan ah.

Halkaan Ka Dhageyso 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.