Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka Al-shabaab iyo Puntland Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka Al-shabaab iyo Puntland

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya agga Dagaalka Kordhafaruur  ayaa sheegaya in weli uu socdo Dagaal qaraar oo u dhaxeya Pl iyo Shabaab waxana lagu soo waramaya in dagaalkii maanta oo ahaa kii ugu adka uu ka dhashay khasaaro xoggan oo labada dhinacba ka soo gaaray.

dhanka Puntland ayaa sheegay in khasaaro xoggan ay gaarsiyeen dhanka Al-shabaab dhimasho gaaraysa ilaa 20 iyagana dhankooda uu ka soo gaaray gaari la gubay iyo tiro dhimasho ah oo aysan cayimin.

goobta uu dagaalka ka socdo ee Kordhafaruur oo 18 KM u jirta deeganka Kulub ayaa laga maqlaya dhawaaqa rasaasta taaso soo bilaabatay saakay waxana adag in si rasmi ah loo helo wararka goobta cilad dhanka isgaarsiinta oo an goobta dagaalka si fiican uga shaqaynay.

dhanka kale wararka laga helayo Suuj ayaa iyagana sheegaya in ciidamada PL ay weli ku daba jiraan Ciidamo ka tirsan Shabaab oo ku kala firirsan Bariga Gobalka Nugaal waxana Pl ay sheeganaysa in ilaa 50 ka tirsan Shabaab ay dileen sidoo kalana ilaa 30 Maxbuus oo shabaab ay ay qabtaan kuwaaso kamid ahaa raggi ku jiray Suuj.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.