Ciidanka Kumaandooska ee Danab oo tababbar loogu soo xiray Bali-doogle

cidaan

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta tababbar ugu soo xiray garoonka Bali-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose cutubyo ka tirsan ciidanka kumaandooska ah ee Danab.

Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed markii uu tegay garoonka Bali-doogle waxa uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska.

Ciidanka Kumaandooska ee tababbarka u socday muddo shan bil ah ayaa ku saabsanaa kor u qaadidda xeeladooda ku aadan difaaca dalka iyo sidii guud ahaan ay dalka uga saari lahaa Al-Shabaab, iyadoo tababbarka ay bixinayeen saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo tababbara u soo xiray ciidanka Kumaandooska ee Danab ayaa ugu horeyn saraakiisha tababbarka bixineysay uga mahadceliyay sida ay gacan uga geysanayaan dhismaha ciidanka xoogga dalka, waxaana uu ciidamada kumaandooska kual dar daarmay inay xoojiyaan la dagaallanka  Al-Shabaab.

Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa xusay in dhismaha ciidanka ay qeyb weyn ka tahay tiirarka uu Qaranku ku faano, isla markaana uu dhiirigelinayo tallaabo kasta oo lagu horumarinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ciidanka kumaandooska ah ee Danab ayaa goobta ku soo bandhigay dhoolatus militeri, iyagoo si aad u qalabeysnaa, taasi oo uu si weyn ugu riyaaqay taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiishii la socotay.

Ciidamada maanta tababbarka loo soo xerey ayaa waxa ay ka qeyb qadaan donaan howlgalka lagula dagaalamayo Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.