Dhageyso: Gudoomiyaha Jaaliyadda Jubaland ee Norway oo ka hadlay Heshiiskii Dhawaan Kismaayo lagu kala Saxiixday.

Xilli wali ay faanoole fari kama qodno tahay fursad siintii ay bixisay shabakadda Wararka ee Gedo Times,ayaa qaar kamid ah Jaaliyadaha  ree jubaland ee qurbaha ku nool waxay fikirkooda ka dhiibteen sida ay u arkaan heshiiskii dhawaan kismaayo ka dhacay.

Warqabadka Gedo Times waxaa lasoo xiriiray Mudane Xasan Cabdul isxaaq oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda Jubaland ee Dalka Norway, wuxuuna Bogaadiyay Heshiiskii dhawaan kismaayo ku dhexmaray Dhiancyada Beesha Sade iyo Axmed madoobe.

Wuxuuse farta ku fiiqay in uusan heshiiskaasi lamid noqon kii Goobweyn iyo Doolow horay loogu kala saxiixday, kuwaas oo taaba galin iska dhaafe aan laga qaadin meeshii lagu kala saxiixday.

Gudoomiye Cabdul ayaa dhinaca kale iftiimayay sida ay lagama maarmaanka u tahay in Degmanimda Buurdhuubo oo heshiiskani qeyb ka ah in lagu xuso dastuurka Jubaland oo mudanyaal degmadaasi kasoo gala lagu dhex arko baarlamaanka jubaland, isagoo ka digay in degmanimada Buurdhuubo aysan noqon mid un afka laga sheegee sharciyad loo yeelo.

hoos ka Dhageyso Wareysi uu Siiyay Shaafici Cabdinuur oo ka tirsan Gedo Times, isagoo dhinacyo badan kaga hadlaya Wareysiga

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.