XOG: Maxay Tahay Sababta wax ka badalka Dastuurka Jubaland loogu dari waayay Degmanimada Degmada Buurdhuubo.

Magaalada Kismaayo waxaa maalinimada Barito ah Baarlamaanka Jubaland uu u madlanyahay in uu wax kabadalo Dastuurka Maamulkaasi qodobo ku qoran.

Qodobada isbadalka lagu sameyanayo waxaa kamid ah in halka Madaxweyne Kuxigeen ee Dasturukaas ku qoran labadalo lagana dhigo laba Madaxweyne Kuxigen,

Sidoo kale waxaa wax laga badalayaa Tirada Golaha Wasiirada ee Mamaulkaas oo gaaraya ilaa 15 wasiir iyadoo Madaxweynaha Jubaland, uu ka codsaday Mudanayaasha in Tirada Golaha Wasiirada laga dhigo mid furan oo aan xadidneyn.

Waxaa Xusid mudan in heshiiskii kismaayo ka dhacay Dhawaan uu kamid ahaa qodobadii lagu heshiiyay in Degmooyinka Maamulkaasi ay kamid tahay Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, xilli ajandaha barito aysan kamid aheyn qodobada dastuurka ee wax laga badalayo.

Ma Cadda sababta Rasmiga ah ee uu Axmed Madoobe u codsan waayay in Degmanimada Burudhuubo lagu daro Dastuurka, iyado oqodobadii lagula heshiiyayne ay kamid aheyd.

Hadaba aqoonyahan kamid ah Aqoonyahanada Ree Jubaland oo Gedo Times lasoo xiriiray ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Hadiiba dastuurka wax ka badalkiisa laguda galay in ajandaha lagu daro Degmanimada Burudhuubo ee Gobolka Gedo.

1 Comment

  1. Gedotimes waad mahadsihiin degmada buurdhuubo waa diyaar xubin nimadeedii iyo xilshibandii loo qoondeeyay, waxaa jiray 10 xildhibaan oo uu hada ka hor md axmed horay u hayay oo aanan wali cidna loo magacabin marka halkaa ka dhawra thanks

Leave a Reply to durraan Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.