Warsaxaafadeed: Ergada Jubaland ee Shirka Muqdisho isaga baxday oo faafahisay Sababta ay shirka Uga Baxeen.”Akhriso”

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen ergadii dowladda Jubbaland u mataleysay shirka hannaanka qaran ee dowladaha hoose kana socday Muqdisho, waxaa lagu sheegay in gabi ahaan shirka ay isaga baxeen arrimo badan oo jira.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in wafdiga oo ka baxay Kismaayo 13-kii bishan in uu markii horaba ay qabeen saluug ku aadan qaabka loo marti soo ray oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo fedaraalka oo lahaa shirka qabshadiisa aaney la wadaagin macluumaadka iyo qorshaha shirka.

Tallo galin la’aan lagu sameeyay oo ku aadan dhammaan qoddobada ku qornaa qabyo qoraalka la qeybiyay.

Ugu dambeen qoraalka waxaa lagu sheegay in wafdiga markii ay qiimeeyeen isla markaana eegeen qoddobada ku qoran in ay ogaadaan in dhammaan waxa socda aanu u cuntami karin shacabka iyo dowladda Jubbaland siddaasna ay go’aan ku gaareen in ay shirka isaga baxaan.

 

 

qoraal1

qoraal2

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.