Wargalin: Maamulka Gedo Times oo Fursad Qaali ah siinaya Akhristayaasha ku taxan Wargeyska Gedo Times.

Shabakadda Wararka ee Gedotimes oo kamid ah Warbaahinada ugu afka dheer ee ha ahwlgala Deegaanada Jubaland iyo guud ahaan Dalkeena Soomaaliya ayaa Akhristayaasheeda usoo gudbineysa Ogeysiis la xiriira dhinaca Wararka iyo warbixinada ay qorto.

Gedo Times oo in Muddo ah Soo Shaqeyneysay ayaa Akhrisyaasheeda ugu Bishaareyneyso in Emailka Websiteka ay si toos ah ula soo xiriiri karaan Dhamaan Dhinacyada daneynaya in ay ka ra’yi dhiibtaan, Shirkii Dhawaan lagu so oafmeeray Magaalada Kismaayo ee Dib u heshiisiinta Beelaha Jubaland.

Fadlan si aad uga ra’yi dhiibato Shirkaasi dhawaan Kismaayo kusoo afmeermay Telefoonkaaga Noogu soodir Emailka Website oo ah gedotimes1@gmail.com, si aan kaaga duubno codkaaga aad Ra’yiga kula wadaageyso Akhristyaasha Gedo Times.

hadii Dhaliil iyo Amaan aad u jeedineyso Dhamaan dhinacyada, Gedo Times waxay Diyaar u tahay Baahinta codkaaga, Xaq ayaadne u leedahay in aad Ra’yigaaga Saliimka ah soo Gudbiso.

Fadlan nagala Soo Xiriir Emailkeena oo ah gedotimes1@gmail.com oo noogu soodir telefoon aan kaala soo xiriiri karno, sida ugu dhakhsiyaha badan uguna macquulsan ayaan kusoo wici doonaa Insha allah

Maamulka Gedo Times 

1 Comment

Leave a Reply to zakia Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.