Daawo: Wafdigii Wasiirka Gaashaandhigga oo Kismaayo kaso dhoofay, Muqdishane Dib ugu soo Laabtay.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Janaral Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo xubno kamid ah Wafdigiisa oo Sadexdi iUsbuuc ee lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Kismaayo, ayaa Maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Wasiirka oo Kismaayo u joogay shir dib u heshiisiineed oo halkaasi ka socday usbuucyadii tagay kaas oo shalay ugu dambeyn ay heshiis kukala saxiixdeen Beesha Sade iyo Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe.

Wasiirka Diini ayaa guul la taaban karo kasoo hoyiyay Shirkaasi dib u heshiisiinta, isagoo  so ohoyiyay Guul ay Hory u gaari waayeen Raisal Wasaarayaal Xilka Bessha Sade kaga horeeyey Sida Saacid Shirdoon iyo Cabdi wali Sheekh Axmed.

 

diini

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.