Maqall :Cilladdu ma Annagaa mise waa passport –ka Somaliya

macalin miskiin ah oo Mogadishu jooga passporkiisa kuma safri karo..Afartii sanno ee u dambeeysay waxaan tagay shanta wadan ee VETO-ga leh: Mareeykanka, Ruushka, Shiinaha,Ingriiska , Faransiiska iyo kuwa kale, melena iskama dhiibin toban cisho ka bandanna ma joogin ee dalkaan u soo noqon jiray. Ma lihi passport Ajnabi ah oo weli Diaspora ma noqon( macnuhu ma aha in Diaspora nimadu ila xuntahay ama qurba joognimadu ) ma lihi passport Somali oo Diplomatic ah illeyn diplomat ma ihiyi ( aqoon Diplomacy malihi nafteeydana been uguma sheegi karo in aan diplomacy ahay) , ma lihi passport Somali service illey ma ihi shaqaale dowladeed.

( sidaa darteedna xaq uma lihi in la I siiyo) Waxaan ku safraa paasport Somali dadweeyne oo la mid ah kii Abootadeey ku xajisay sannadkii hore. Kuli wadamadaa waxaan ku tagay martiqaad shaqsi ah,ciddi I wacda iyadaa laga rabaa,tikit iyo vissaba ,haddii laygu casuumo mowluuc aanan aqoon u leheeyn waa u sheegaa in aanan aqoon.dhowr shir ayaana saa uga baaqday,kuwa kale waxaa la igu yiri ticketka uun iska soo bixi inta kale waa lagaa qaabilaa,waana ka baaqday ,haddii aanan faaneeyn oo runta aan iska sheego,ticketka iskama bixin Karin oo kirada guriga xamar aanka daganahay ayaa la igu qaaliyay . hayadaha Visa si fudud shaqaalahooda ugu dalbi kara waxaa ugu weeyn Mareeykanka iyo UN haddii aan runta iska sheego labada weligeey uma shaqeeyn. Badanaa waxaa I casuumi jiray Jaamacadu, hayado ganacsi ,cilmi baaris.
Walaaloow marka paaspor keena meel kasta waa lagu tagi karaa,ee waxaa loo baahanyahay sababtii aad ku tagi laheed in aad la timaado adigoon paasporka ceebeeyn. Tusaale kale: aniga oo jooga kuwalalumpor –Maleeshiya ayaan saaxibadeey ku iri waxaan aadaa Visa la’aan jaamacad ku taal dalka filibiin wexeey igu dhaheen halkan visa ka qaado intaan lagu soo celin. Waan dhoofay Visa la’aan, Manila- filibiin ayaan tagay, gabadhii imigareeshanka joogtay ayaa markeey paasporka rogrogtay oo visa ka weeysay igu tiri: visa ma wadatid.

waxaan ku iri Somali ayaan ahay,waxaay igu tiri hadaad tahayna, waxaan iri iska hubi heshiis labada dal ayaa jira markaa visa ima weeydii kartid: xafiiska ayeey dib ugu noqotay weey soo noqotay iyadoo I raali galineeysa, visa ayeeyna iigu dhufatay,hore ayaa u ogaa in filibiin ay ka mid tahay wadamadaa aan visa laga rabin paasporka somaliga.( ma oga heshiiskaa maxaa burbur ka dambeeyay), walaaloo calankeena iyo passport keeno ceeb male ee anagaa dad xun noqonay miyaa???.Cilladdu passport-ka ma aha ee waa anaga. Dardaaran: Duca waalid ha moogaan

W/Q: Yaxye Caamir

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.