Dhageyso: Deg Deg:- Dagaal ka socda Cadaado

Ciidamo  kala ah Boolis iyo Dawaariish ayaa maanta ku Dagaalamay Degmada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud islamarkaana Fariisin u ah Maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo Boolis ah oo Xirtay Meel u dhaw Saldhiga Degmada Cadaado ay Weerar ku soo qaadeen Ciidamo Daawiish ah oo isla Magaalada ku sugnaa.

Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Ee Dagaalka ku galay Cadado oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Weerar lagu soo qaaday,waxaana uu xusay in Ciidamada Daraawiishta ee soo Weeraray ay ka dhaawaceen Labo Askari sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda Magaalada cadaado ayaa maanta kacsan,iyadoo Magaalada laga dareemayo Xiisad ku aadan Ciidamada maanta dagaalamay.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ayaan wali ka hadlin Ciidamada Maanta ku dagaalamay Degmada Cadaado Ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.

Halkaan Ka Dhageyso

Wareysi Taliye Cabdi Nuur macli Maxen boliska

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.