Dhageyso: Baarlamaanka Galmudug oo Xilka ka qaadaya C/kariin Guuleed

Kulan ay maanta ku yeesheen Xarunta ay ku Shiraan Baarlamaanka Maamulka Galmudug Ee Cadaado ayaa waxaa ay ku badaleen Qodob kamid ah Dastuurka Maamulkaasi,kaas oo ahaa qaabka lagu ridi karo Xukumadda iyo Guddoonka Baarlamaanka intaba.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Qodobkaasi  ka dhigay in Xukumadda iyo Guddoonka Baarlamaanka lagu ridi karo laguna Dooran karo Cod Hal dheeri ah 51%.

46 Xildhibaan ayaa Ogolaatay in Cod Hal-dheeri ah lagu ridi karo laguna dooran karo Xukumadda iyo sidoo kale Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa maalmahan Dood dheer ka lahaa qaabka lagu dooran karo laguna ridi karo Xukumadda uu Hogaamiyo Madaxweyne C/kariin Xuseenn Guuleed iyo Guddoonka Baarlamaanka,iyadoo Qodabkaan isbadalka lagu sameeyay hadda uu horay u ahaa in Xukumadda iyo Guddoonka Baarlamaanka ay Codka ku weyn doonaan Saddex meelood Labo Meel.

Halkaan Ka dhageyso

WAREYSI SHARMAARKE

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.