TOP News: Kenya oo Ciidamadii ugu badnaa Geysay Deegaanka Lamu ee Gobolka Xeebta

kenya

Kenya oo culeys xoogan uu ka haysto dhinaca Ururka Al Shabaab, ayaa waxay ciidan cusub oo hor leh u daabushay Magaalada Lamu Ee Gobolka Xeebta Kenya. Tirada Ciidanka waxaa lagu sheegay toddobo boqol (700) oo askari.

Ciidankan oo ka tirsan noocyada kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida Kenya, ayaa waxaa lagu xoojinayaa Ciidamadii Kenyanka ahaa, ee horey ugu sugnaa Magaalada Lamu, oo dhacda xadka Somaliya iyo Kenya.

Ciidankan, ayaa waxaa loo qaybiyay Deegaanada Witu, Kibaoni, Mpeketoni, Kaisari, Basuba, Milimani, Mangai, Mararani, Kiyangwe, Kiunga & Ishakani, kuwaa oo dhammaantood ka tirsan Lamu.

Deegaanadan qaarkood, ayaa waxaa sanadihii 2014-2015 weeraro dad badani lagu laayay ka gaystay Ururka Al Shabaab, oo iyagu sheegay inay si wayn kaga soo horjeedaan joogitaanka Ciidanka Kenya ee dalka Somaliya.

Tallaabada Ciidankan lagu geeyay dhulka ku teedsan Magaalada Lamu, ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeysay, si ay u suggaan ammaanka dadka qorsheynaaya inay fasaxa u taggaan, kolka la gaaro Easter Holidays oo ku beegan 27-ka bishan.

Gudoomiyaha Magaalada Lamu, Issa Timamy, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay ka go’an tahay suggida amniga iyo ka hortagga weerarada, ay abaabulayaan Xoogaga Ururka Al Shabaab.

Ururka Al Shabaab, ayaa qalqal xoogan geliyay amniga guud ee dalkaasi Kenya, tan iyo markii Ciidanka Militariga Kenya ay gudaha u soo galeen Gobolada Koonfurta Somaliya, daba-yaaqadii sanadkii 2011-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.