Faallo: Wada Xaajoodka Kismaayo kajira,Waa Wadada Nabad a ku heli karaan Ree Jubaland,

Waxan rabaa in aan falaqeeyo wax yaabaha suragalka ah ee miiska wadaxaajoodka jubooyinka saaran :-

Aan dib u yara noqdo wax yabihii shirkii adis ababa iyo shirarkii nairobi ee juba lagu dhisay waxa ka mid ahaa sida awood qeybsiga siyaasada,sida la isugu dhafilahaa ciidanka iyo sida hoganka ciidanka loo qeybsan lahaa.waxa kaloo ka mid ahayd halka caasimada ay noqonayso,waxa kaloo ku jiray tirada barlamanka iyo sida ay ku imanayaan iyo waliba qodoba quseeyey dowlada dhexe door ay ku lahayd,

Hada shirkan kismaayo ka bilowday kama foga isla bartas oo kaliya waxa ku soo darsantay labo dagmo oo maamulka juba ee mudane axmed madoobe uu iskiis ugu darsaday.

Waxa kaloo jira in dastuur la sameeyey oo aan loo dhamayn kaas oo ay ku qoran tahay in caasimada ay tahay bu’aale ayadoo aan laga wada tashan.

Hadii aan idin soo uruuriyo waxyalaha muhiimka ah ee laga wadahadlaayo waxa ka mid ah

1-Awoodqeybsi xaga siyasada iyo maamulka ah,sida golaha wasiirada,kuxigeenada,agaasimayaasha dakada iyo garonka diyaradaha taas oo ay dhertahay madaxda kale ee siyasada sida madaxweyne ku xigeenka iyo awoodihiisa.

2-Qeybsiga deegaanka sida gobolka jubada hoose iyo dagmada kismaayo.

3-Qeybsiga ciidamada iyo taliyeyashooda.

4-Hadii xagar iyo salagle dagmo noqdan buurdhuubo iyo celcadena waa in dagmooyin noqdan,hadii qaar meesha kabaxaana waa in meesha ay ka baxan dhamantood dastuurka fadaralkana laraacaa.

5-Waa in la cadeeyaa caasimada ma kismaayo,bu’aale misa bardheere.

6-Waa in laga wada hadlaa hantidii lakala qabsaday ama laka hasto si nabad loogaaro.

7-Waa in laga wada hadlo dilal siyasadeed dhacay iyo sidii xal waara loogaari ahaa.

Iyo qodob kale oo muhiim ah kuwan waa kuwan islee yahay waa kuwa miiska saaran.

Gabagabadiine waxaan filaya ain dhamaan dhinacyada Siyaasadda jubba ku hardamaya ay yihiin kuwo bislaaday, haatane dcad ka noqo doona dhamaan waxkstaa oo ree Jubbaland y al iyo nabad galyo, iyo maamul suuban ku heli karaan.

W/Q: Ibraahim Ibroos

Muqdisho, Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.