Xog: Maxaad kala socotaa Qabiilada ay kasoo kala jeedaan Mareeyayaasha Dekadda iyo Garoonka Kismaayo. “akhriso”

Maalin kahor Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa magacaabay laba maareeye oo loo kala magacaabay Dekadda iyo garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale isla maalintaas wuxu umagacaabay taliyaha ciidamada Booliiska ee Jubaland, oo isaga loo magacaabay janaraal Yuusuf Dhuumaal oo kasoo jeeda Beesha Sade.

Shabakadda Gedo Times oo Xuuraansi ugu jirtay Ogaanshiyaha Shakhsiyaadka Maareeyayaasha ah Qabiilada ay kasoo kala jeedaan ayey u suuragashay in ay hesho qabiilada labadaasi masuul.

Maareeyaha Dekadda Kismaayo ayaa loo magacaabay Axmed Xaaji Aaadan oo horay u soo noqday isla maareeyaha dekadda kismaayo xiliyadii isbahaysiga iyo markii ugu Dambeysay oo ay alshabaab halkaasi maamulayeen.

Axmed xaaji aadan ayaa kasoo jeeda Beesha Sade, jifada re Siyaad Xuseen, sida uu Gedo Times u xaqiijiyay masuul aqoon durugsan u leh Mudane Axmed oo ay soo wada shaqeeyeen.

Sidoo kale maareeyaha Garoonka Kismaayo ayaa loo magacaabay Masuul lagu magacaabo Maxamuud Jagadoon oo kasoo jeda Beesha Majeerteen.

Sikastaba Axmed madoobe ayaa iminka u muuqda mid siyaasadda furfuray waxayna arimahani oo dhan imaanayaan xilli ay iminkaba kismaayo ku suganyihiin beesha sade oo mucaarad iyo muxaafidba ay halkaasi kulmisay si ay uga qeyb noqdaan jubalanta cusub la xisaabtan muuqdane la galan hogaamiyaha maamulkaas iyo beeshiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.