Dhageyso:Dowladaha Soomaaliya iyo Japan oo kala Saxiixday Heshiis hormarineed

Dowladaha Soomaaliya iyo Japan ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku kala Saxiixday Heshiis hormarineed kaas oo Dowladda Japan ay si Toos ah u siineyso Soomaaliya,iyadoo aan wax Hay’add ah aan loo soo marsiin.

Wasiirka Iskaashiga iyo  Xariirka Caalamiga Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Caynte  ayaa sheegay in Heshiiskaasi wax looga qabanayo Caafimaadka,waxbarashada iyo Tababarada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Wasiir Caynte ayaa soo dhaweeyay Heshiiska ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Japan,waxaana uu u mahad celiyay Dowladda Japan.

Sidoo kale Danjiraha  Japan u jooga Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Japan ay ka go’an tahay Taageerada Soomaaliya ay siineyso si Soomaaliya ay Cagaheeda iskugu Taagto.

Heshiiskaan ayaa ah mid Soomaaliya Muhiimad weyn u leh,maadaama Kaalmada Caalamka uu siiyo Soomaaliya loo soo marsiiyo Hay’addo kale oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Deeq bixiyaasha.

Halkaan Ka dhageyso

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.