Dhageyso:Ciidamada Nabad Sugidda Galmudug iyo Koox Burcad ah oo ku dagaalamay Godin-labe

dagaal

Wararka ka imaanaya Degaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Galabta ay halkaa ku dagaalameen Ciidanka Nabad Sugidda Galmudug iyo Koox Isbaaro dhigtay Degaankaasi Godin-labe,waxaana dagaalkaasi uu Sababay Dhimasho iyo Dhaawac.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidanka Nabad Sugidda Galmudug ay Weerar ku qaadeen Koox Burcad ah OO Isbaaro dhigtay islamarkaana Dadka Dhac ku hayay.
Inta la Og yahay waxaa dagaalkaasi ku dhimatay ilaa Saddex Ruux oo Labo kamid ah ay yihiin Kooxdii Burcadka ahaa iyo Qof Shacab ah.
Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in Dhaawacu uu intaa ka badan yahay.
Saraakiisha Amniga Maamulka Galmudug wali kama hadlin Weerarka ka dhacay Degaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud.

Halkaan Ka Dhageyso:

Wareysi Ow, Aadan Hada Dagaalka

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.