Dhageyso : Mareykanka oo la sheegay in ay Nolosha ku wateen Saraakiil Al-shabaab ah

Iyadoo Dowladda Soomaaliya iyo Mareykankuba ay shaaciyeen in Weerar Qorsheysan lagu qaaday Degaanka Aw-dheegle oo ay Maamulaan xarakada Al-shabaab ayaa waxaa soo baxaya Warar kala duwan.

Afhayeenkii hore ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed xuseen Shiine ayaa sheegay in Diyaaradaha Mareykanka ee Weerarka ku qaaday Aw-dheegle ay Nolosha ku wateen Saraakiil Shabaab ah oo uu ka mid yahay Sargaal Magaciisa lagu soo Koobay Abuu Cubeyda oo ah Kuxigeenka Howlgaladda Al-shabaab ee Shabellaha Hoose.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Howlgalkaasi uu ahaa mid Qorsheysan oo ay wada qaadeen Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya.

Weerarka lagu qaaday Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa Fuliyay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Dannab,kuwaas oo caawinaad ka helaya dowladda Mareykanka.

Halkaan Ka Dhageyso:

Cod 2 Suldaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.