Maqall: Cadaalada Muqdisho.

Suldaan sulaymaan alqaanuni ( 1520-1566) oo kamid ahaa ragii ugu mudada dheeraa hogaaminta khilaafadi cuthmaaniyinta kaalin mug leh na ka qaatay fidinta diinta islaamka qaarada yurub , ayaa maalin loo keenay dacwad ka dhan ah quraanjo qabsatay geedihi kuyiilay qasriga lana waydiisanayo in la laayo Quraanjada

Boqorka wuxuu bilaabay talo aruurin uu waydiinayo khubarada jaan gooyso siyaasada hogaankisa waxayna kutaliyeen in la laayo quraanjada .

Suldaan ka inta uu san fulin go,aankas wuxu waraaq qaab gabay u qoran u diray lataliyihiisa gaarka sheekh islaam ibnutaymiyah , jawabta sheekha waxay ahayd

“Marka la gaaro miisaanka cadaalada ,quraanjada waxay xaq goosan iyadon  khajileeyn ” hadii dilka quraanjada sidaa la isugu hawlay , waxaad barbar dhigtaa sida fudud ee loo soo saarayo maalin waliba xukumada dilalka ah.

 

Diinta islaamka Cadaaladda waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah. Waa mowduuc aad u weyn oo xiriir la yeelanaya dhaqaalaha, bulshada, hogaanka iwm. Cadaaladdu makala laha sarreyn, nasab, hanti ama sharaf, waana mid ay tahay in loo wada sinnaado, dadka dhanna ay u qabato si isku mid ah.

 

Cadaalada muqdisho ,micneheedu mahan in aan weerarayo reer muqdisho balse magaca astaan qaranimo ayuu u taagayahay maadama caasimadda dalka ay tahay. Cadaalad darida soomaaliya mahan mid maanta iyo shalay bilaabatay ,1960 -ilaa 1969 xilalka ugu sareeyo ee dowladnimo waxaa la haan jiray qabiilba qabiilka uu ka Afmiisharsayahay kagana dheereyo dhaga fudeed loo muujiyo colonial masters.

Kacaanki ayaa curtay wuxuuna ku dhawaaqay in qabyaaladi la aasay cadaaladuna sareen doonto ka daro dibi dhal, ma doonayo in aan waqti kulumiyo foolxumadi dhacday .History tells it’s self , shacabka soomaaliyeed wuxuu qoryaha u qaatay waxay ahayd dulmi iyo cadaalad daro loo geeystay.
Dagaaladii 1991, qabaa’iladii hubeysnaa ayaa bilaabey in ay boobaan dhul ayna laheyn qori caaradiis , kuwii hore u degenaa qaar waa la adoonsadey waa kuwii ku harey dhulkooda, qaar waa la diley, qaarka kalena wey guureen.

 

2016 ka , oo la is lahaa shacabka iyo inta hogaanka hayso way heleen casharo badan oo ku saabsan cadaalad darida iyo aafooyinka ay keento .Tiirarka dowladi ay ku taagan tahay waa cadaalad ,amni iyo dhaqaale hadii mida hore la waayo labada kale ma shaqeeyn karaan waana mida ilaa maanta noloshadi dowladnimo hormari la dahay .

Xasan Xanafi iyo dhallinyarada la midka ah ee lamarin habaabiyay ,ma oranayo waa cayb am dambi ka saliim ,qof waliba dambiga uu bulshada ka galay waa in laga abaalmariyo ,

laakiin maxaa keenay in iyagiina la wada toogto ragiina horjoogayasha u ahaana guryaha NSA  lagu haayo iyago qaarkod la cafiyay ,laga saaray liiska argagexiso ee caalaami ,laga dul qaaday malaayinta lacageed ee reer galbeedka dul saarteen

Cadaalada noocaasi ah xagee lagu xusay diini iyo dastuurba .waxaa intaa kadaran dalka ma milateri baa haysto aaway maxakamadihi rayidka ? wiilashaan 4ta sano soo qaatay shahaadada shareeca wal qaanun (masar iyo Suudaan) ma lagu aamini karaa inay qaadaan dacwadaha noocani o kale .

Culimada ku takhsustay barashada diinta maxaa looga dheereyay maxakamadaha hadii ay cadaaladi jirto maxaa loola xukumi waayay xasan xanafi iyo dhallinyarada ragii soo diray ? waxaa wali nool qaar qab qablayashi shacabka xasuuqay iyaga miyeysan qaban cadaalada lagu qaadayo dhallinyarada ?  ” Peace and justice are two sides of the same coin”  (D weight) Cadaalada iyo nabada waa mataano aan kala harin , dalkaan nabadiisu waxaa saldhig u ah cadaalada oo sareeyso.

W/Q Cabdi Raxmaan Shikh .

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.