XOG: Xagee loo waday Hubkii Ay Australia Ku qabatay Xeebaha Cumaan ee Soomaaliya u soo Socday.”Akhriso”

Ciidamada badda dalka Australia ayaa sheegay in ay qabteen dooniaan calan wadan oo ku sii jeeday Soomaaliya taasoo siday hub aad u badan.

Doonida ayaa la sheegay in lagu qabtay meel ku dhow xeebaha dalka Cuman, aya ala sheegay in ay ku socotay Soomaaliya,iyado oaysan Australia sheegin halka sida rasmiga ah uu hubkaasi ugu wajahnaa.

Gedo Times oo la hadashay Ilo kala duwan ayaa ogaatay in hubkaasi uu kusocay magaalada Kismaayo, iyado loo waday maamulka Jubba, waxaana xogta aan heleyno ay sheegeysaa in Hubkaasi uu Mamaulka Jubba lacagta uu kusoo iibsaday uu kahelay Dowladda Imaaraatka Carabta oo uu Dhawaan Hogaamiye Axmed madoobe Safar ku tagan.

ma cadda sababta ku kalifi karta Imaaraatka in Hub ay u iibiso maamul kamid ah maamulada dalka Kajira, tiiyoo ay ka warqabto in soomaaliya ay saarantahay cunaqabateyn dhinaca hubka ah.

Sidda lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Australia, hubkan ayaa isugu jira ku dhawaad 200, 000 oo ah qoryaha AK47, boqolaal gantaalaha laga tuuro garbaha ee RPJ, 49 qoryaha daran dooriga u dhaca iyo rasaas hoobiyaal ay ku jiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.