TOP News: Siyaasiga Cabdi Waal oo isagoo jeebeysan laga soo dajiyay Garoonka Muqdisho…..

Warar saacadihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya in Hey’addaha ammaanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen Cabdi Nuure Siyaad oo loo yaqaano Cabdi Waal, kaasoo laga soo qabtay dalka Kenya oo uu muddooyinkan ku sugnaa.

Wararka oo ah kuwo horu-dhaca ah ayaa sheegaya in diyaarad gaar ah oo siday maanta duhurkii ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo gacmaha ka katiinadeysan.

Inkastoo aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka dowladda, hadana waxaa la sheegayaa in Cabdi Waal lagu soo qabtay warqad ruqsad ah oo lagu soo xirayo, kaasoo dowladda Soomaaliya u dirtay Kenya.

Cabdi Waal ayaa ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii hore, bartamihii sanadkii 2014 ayaa waxaa uu ka baxsaday Ciidamada Nabadsugida, kadib howl gal la doonayay in lagu soo qabto.

Wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa uu u aaday degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, isagoo mar uu la hadlay Warbaahinta sheegay inuu ka bad baaday isku day la doonayay in lagu dilo oo dowladda Soomaaliya ay qaarijin rabtay.
Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa horay ugu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal amni daro oo Muqdisho ka dhacay, inkastoo uu beeniyay eedeymahaas.

Cabdi Nuure Siyaad ayaa la sheegaa inuu xiriir dhow la leeyahay Culumaa’udiinka Ahlusuna ee ka taliya qeybo ka mid ah Gobollada Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.