war Degdeg ah : Liibaan Madaxweyne oo Isagoo Dhaawac ah lagu wareejiyay Duubab Dhaqameedyo ay isku hayb yihiin.

Wararka ka imaanaya Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Sargaalkii kula Dagaalamay Ahlusunna Magaalada Dhuusamareeb ee Liibaan Madaxweyne Galabta Ahlusunna ay ku wareejisay Odayaasha uu ka soo jeedo Liibaan Madaxweyne.

Liibaan ayaa la sheegay in la geeyay Degaanka Gadoon oo Magaalada Dhuusamareeb ka Xiga dhanka Degmada Cadaado oo asna ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale Odayaasha uu ka soo Jeedo Liibaan Madaxweyne ayaa noo Xaqiijiyay in aan lagu wareejin Sargaalkaasi,balse Ahlusunna ay ku wareejisay Dad kale sida ay hadalka u dhigeen.

Liibaan Madaxweyne ayaa Magaalada Dhuusamareeb kula Dagaalamay Ahlusuna,waxaana lagu qabtay Dagaalkaasi Asagoo dhaawac ah,iyadoo Maalmahaan ay soo baxayeen in Ahlusunna ay Dhaawaca Liibaan Madaxweyne u qaadeyso Dalka Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.