XOG: Beesha Sade oo Maanta markale Kismaayo kulan ku leh,kana hadleysa Qodobo Xaasaasi ah.

Siyasiinyta iyo waxgaradka beesha Sade ayaa Maanta markale magaalada Kismaayo kuleh kulamo ay ku jeexjeexayaan ajandayaasha ay kawada hadli doonaan iyaga iyo hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe.

Ila wareedyo ayaa u sheegay Gedo Times in dhamaan Xubnaha Beesha Sade ay isku waafaqeen qodobada dooda ay ku saleysnaan doonto marka laga reebo Cabdirashiid indhakoreey oo ay garan la’yihiin halka uu ku saleysanyahay hadafkiisa siyaasadeed.

Beesha Sade ayaa Kismaayo ku kulansan tan iyo khamisitii xiligaasi oo uu gaaray wafdi uu hogaaminaayo Wasirika Diafaaca Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.

dhinaca kale waxaa laga arinsanayaa sidii loo balaarin lahaa gudiga wadahadalada u matali doona beesha Sade, kuwaas oo horay looga dhigay 12 xubnood ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo ilaa 25 xubnood si loo qanciyo jifooyin Sade ah o tirsaday in Ergada aysan matalaad ku laheyn.

wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.