Tacsi: Rug Cadaa Saxaafadeed Maxamed Abshir Waldo oo Nairobi ku geeriyooday.

tacsi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Waldo.
‘’Innaa Lillahi wa Inaa ileyhi raajicuun. Waxaan qoyska , ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo dalkan xilal kala duwan ugu soo adeegay. Waxaan marxuumka ku tilmaami karaa shakhsi dhismihii hay’adaheena dowliga kaalin weyn ka soo qaatey, lana tebi doono doorkiisa’’.

Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Waldo oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi, waxaa uu ahaa siyaasi, aqoonyahan iyo shakhsi nabadda u ololeeya. Waxaa uu kaalin muuqata ka soo qaatey warbaahinta Soomaaliya, isagoo mar noqdey Agaasimaha Raadiyihii Qaranka, marna ka soo shaqeeyay laanta afka Soomaaliga ee BBC.

Marxuumka waxaa u ka dhex muuqday dadaaladii dib u heshiisiinta iyo dib u yagleeliddii qarannimadii Soomaaliya, waxaana ilaa inta ay geerida uga timaaddo uu ku lug lahaa hawlo dib loogu soo nooleynayo adeegyadii bulshada ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa geesi ka baxay ummadda Soomaaliyeed, una soo dhabar adeygey xaaladihii adkaa ee waddanka ka jiray, waxaana uu Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.