Degdeg: Qaraxyo ka dhacay Baardheere iyo Isgaarsiinta Degmada ooHawada ka maqan.

Wararka iminka naga soo gaarayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo aya sheegaya in qaraxyo waaweyn oo ruxay degmadaasi ay halkaasi ka dhaceen.

Qaraxyada oo aan la xaqiijin tiradooda ayaa warar horudhac ah waxa ay sheegayaan in lala eegtay kolonyo ciidamo AMISOM ah oo magaaldaasi dhexmarayay, halka warar kalane ay sheegayaan in ay ka dhaceen goobo dad rayid ah joogaan.

Lama xaqiijin karo tirada Qaraxyada iyo cida loola dan laha toona, Sidoo kale Alshabaab wali kama aysan hadlin qaraxyadani mana jirto cidkale oo ilaa iyo hadda sheegatay.

Dhinaca kale waxaa gabi ahaanba hawada ka maqan isgaarsiinta degmada baardheere kadib dhicitaanka qaraxyadani taasi oo yareysay helitaanka macluumaad intaasi ka badan.

Wixii kusoo kordha kala soco gedotimes insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.